Warsaxaafadeed

Ku: Madaxtooyada Galmudug

Ku: wasaaradda warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska Galmudug.

Ka: Ururka gabdhaha suxufiyiinta ah ee Women Journalist Association (GWJA)

Og: Gudoomiyaha ururka gabdhaha wariyaasha ah ee  GWJA

Og: Xogyhayaha ururka gabdhaha wariyaasha ah ee  GWJA

Ujeedo: Cambaareyn.

Ururka gabdhaha saxafiyiinta Galmudug ee Galmudug Women Journalist Association (GWJA) waxay  cambaareynayaan xubno wariyaal ah, shaqsiyaad ka tirsan  Madaxtooyada iyo  wasaaradda warfaafinta Galmudug oo ka shaqeynaya kala qeybinta gabdhaha saxafiyiinta ah ee Galmudug,

Waxaa dhisan urur ay ku mideysanyihin gabdhaha deegaanada Galmudug  waxaana xubnaha aan sheegnay ay ka shaqeynayaan sidii loo kala geyn lahaa gabdhaha wariyaasha ah iyo ururka ay ku mideysanyihin ee GWJA

Marnaba ma ogolaan doono cidkasta oo ku howlan faragelinta habsami usocodka howlaha ururka gabdhaha suxufiyinta ah ee GWJA,

Waxaan ku ku baaqeynaa in wariyaasha labka ah, xubnaha ka tirsan wasaardda warfaafinta,dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Madaxtooyada Galmudug  in ay faraha kala baxaan shaqada ururka gabdhaha wariyaasha ah.

FG: waxaan ka digeynaa in shaqsiyaad dano gaara leh ay isticmaalan magaca ururka gabdhaha suxufiyiinta ah ee Galmudug/ ka shaqaan howlo ka hor imaanaya nidaamka ururka (GWJA).

DHAMMAAD

Related posts

Statement from the Galmudug Women Journalist Association (GWJA) on the International Day to End Impunity for Crimes Against Journalists