Ururka Gabdhaha Suxufiyiinta ee Galmudug (Galmudug Women Journalists Association – GWJA) ayaa galabta kulan isbarasho iyo soo dhawayn ah la qaatay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka, iyo Dalxiiska ee Dowladda Galmudug, Mudane Cali Maxamuud Faarax (Seeko).

Kulankan oo ay soo abaabuleen GWJA, waxaa ka soo qaybgalay gabdho suxufiyiin ah oo ka hawlgala xarumaha warbaahinta ee Dhuusamareeb. Waxaa diiradda lagu saaray sidii ururada warbaahinta Galmudug iyo Wasaaradda Warfaafintu ay ugu wada shaqayn lahaayeen si iskaashi leh oo kor u qaadaya tayada warbaahinta.

Guddoomiye ku-xigeenka ururka GWJA, Ruwaydo Cali Ciise, iyo xubno kale oo ururka ka tirsan ayaa ugu horreyn Wasiirka ku hambalyeeyay xilka uu hayo. Ugu dambayn, Wasiir Cali Seeko ayaa uga mahadceliyay ururka soo dhawayntooda, isagoo ballanqaaday in ay si hufan u wada shaqayn doonaan.

Related posts

Statement from the Galmudug Women Journalist Association (GWJA) on the International Day to End Impunity for Crimes Against Journalists

GUDOOMIYAHA URURKA GWJA OO BOOQATAY CADAADO