Gudoomiyaha Ururka Gabadha Saxafiyiinta Galmudug (GWJA), Fartuun Abdirahman Diini, ayaa xalay magaalada Gaalkacyo kulan kula yeelatay Madaxweynaha Dawladda Galmudug, Mudane Ahmed Abdi Kaariye (Qoor Qoor). Kulankan oo ahaa mid is xog-wareysi ah, ayay gudoomiyuhu kala hadashay madaxweynaha doorka haweenka ee siyaasadda Galmudug iyo muhiimadda ay leedahay in dumarku helaan matalaad ku filan, gaar ahaan gabdhaha saxafiyiinta ee ka tirsan ururka GWJA.
Gudoomiyaha ayaa si gaar ah diiradda u saartay sidii gabdhaha saxafiyiinta ah ee Galmudug ay u heli lahaayeen kaalintooda iyo taageero uga timaada dawladda, iyada oo ku nuuxnuuxsatay in muhiim ay tahay in haweenku kaalin muuqata ka qaataan siyaasadda iyo warbaahinta Galmudug.
Madaxweynaha Galmudug, Mudane Qoor Qoor, ayaa dhankiisa balan qaaday in gabdhaha saxafiyiinta ee Galmudug ay heli doonaan wax kasta oo xaq ay u leeyihiin, isaga oo carrabka ku adkeeyey in dawladda Galmudug ay taageero buuxda siin doonto sidii ay gabdhahaas ugaalin lahaayeen horumar iyo matalaad ku habboon.